Kulan Muqdisho uga socda Musharaxiinta xilka Madaxweynaha iyo Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble  ayaa kulan  la leh madaxweyneyaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo xubno ka tirsan  midowga musharaxiinta, si loo sii xoojiyo xasilloonida caasimadda ka dib qalalaasihii dhawaan dhacay.

Kulankaan ayaa looga hadlaya sidoo kale sidii heshiis ku saabsan hanaanka doorashooyinka loo gaari lahaa.

Rooble ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu wadahadal ku dhameeyo xaaladda cakiran ee Magaalada Muqdisho.

Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay in Madaxweynaha Waqtigiiso dhamaaday uu diidan yahay in uu dalka ka qabto lagu wada qanacsan yahay.