Kulan Madaxtooyadda uga Socda Madaxweyne Farmaajo iyo R.W Itoobiya

Wararka naga soo gaaraya xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi kulamo kala duwan ay uga socdaan Wafdigii uu hoggaaminayay Raiisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiiradda ka socda dowladda Itoobiya  ayaa sidoo kale kulamo kala duwan la leh Wasiiradda xukuumadda Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa waxay kulankooda kaga hadlayaan arrimo ay kamid yihiin iskaashiga labada dowladooda,xoojinta xiriika ku dhisan iskaashiga labada dhinaca.