Muqdisho-RisaalaFM- Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa waxaa ka soo qeyb galay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. C/
Shirkan ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa sidii looga tashan lahaa dhisida Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, oo la wareegaya amniga dalka marka ay baxaan Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.
Gen. C/
“Hadaba aniga oo ka amba qaadaya ololaha habraaca shaqo ee la soo bandhigay, idin horyaalla kana kooban 10 qodob oo u gogol xaaraya sidii looga baaran degi lahaa xaqiijinta amniga, iyo in dalka uu yeesho Boolis.” Ayuu yiri Gen. (Saacid).
Dhanka kale Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) ayaa sheegay muhiim in ay tahay in la helo Ciidamo ka tirsan Dowladda oo la wareega ammaanka guud ee dalka.
Wuxuu kaloo sheegay Wasiirka Amniga Soomaaliya in la dhisayo Soddon iyo laba kun oo Ciidamo Boolis ah, kuwaasi oo u qeyb samaya qeybaha kala duwan ee Ciidamada, si dalka ay ugala wareegaan AMIOSM 2021-ka marka ay dalka ka baxaan.



