Muqdisho-RisaalaFM- Maxamed Cumar Carte Ra’iisul wasaare Ku xigeenka dowladda Soomaaliya ayaa waxa uu shir gudoomiyay kulankan oo looga hadlayay isku dhafka ciidanka dowladda.
Kulanka waxaa ka qeyb galay safiirada dalalka Mareykanka, Ingiriiska iyo Imaaraadka Carabta, iyadoo sidoo kalana ay shirka goob joog ka ahaayeen Wasiiru dowlaha Wasaaradda Difaaca iyo Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Shirka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay halka uu marayo qorshaha Isku Dhafka ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo sidii loo tayeen lahaa ciidanka Soomaaliya.
Safiirada shirka ka qeyb galay ayaa waxa ay sheegeen in ay diyaar u yihiin taageerada iyo isku dhafka ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya.
Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu meel wanaagsan marayo qorshaha isku dhafka ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.


