Kulan ka dhacay Garowe “SAWIRRO”

Garowe-RisaalaFM- Madaxweynaha Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa manta  kulan la qaatay qaar kamid ah  gudiga abaaraha ee goloyaasha Dawllada Puntland.

Kulankan uu Madaxweynuhu la qaatay gidiga abaaraha ayaa waxaa ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi.

Madaxweynaha Puntland ayaa kala hadlay gudiga sida abaarta baahsan ee ka jirta Puntland wax looga qaban lahaa iyo sidii dawladda Puntland uga qayb qaadan lahayd gurmadka loo fidinaayo dadka ay saameeyeen abaarahu.

Madaxweynaha Puntland Dr. CabdiweIi Maxamed Cali Gaas oo kulanka si xeeldheer uga hadalay ayaa ugu horayn ka warbixiyey abaarta baahsan ee ka jirta Puntland, isla mar ahaantaana intaasi ku daray in ka Dawladd ahaan ay diyaar u yihiin inay ka qayb galayaan gurmadka loo fidinaayo dadka abaaruhu saameeyeen, sidoo kale sheegay in loo baahan yahay qorshe sidii looga hawl geli lahaa xaalada abaaraha ee ka jirta Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ay hore ugu gudbiyeen baaq beesha caalamka iyo cidkasta oo gacan ka gaysan karta gurmadka loo fidinaayo dad ka ay abaartu saamaysay.

Ugu dambeyn  Madaxweynaha Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa umadda Soomaaliyeed gaar ahaan umadda Puntland u rajeeyey in ilaahay uu ka saaro abaaraha iyo colaadaha uguna bedelo raxmaddiisa iyo naxariistiisa.

 

1q 2q 3q