Gaalkacyo-RisaalaFM- Xaalada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa maanta waxa ay tahay mid degan, waxaana dadka qaar ay dib ugu soo laabanayaan guryahooda.
Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug maanta waxaa ku kulmay Guddiyada loo xilsaaray dhameystirka heshiiska Gaalkacyo iyo wafdi ka socday Beesha Caalamka iyo urur goboleedka IGAD.
Labada dhinac ayaa waxa ay ka wada hadleen xaalada Magaalada Gaalkacyo iyo xaqiijinta heshiiska laga gaaray xabad joojinta, iyagoo sidoo kale kormeer ku sameeyay goobihii dhowaan laga saaray labada dhinac.
Xubnaha ka socday Baasha Caalamka iyo urur goboleedka IGAD ayaa waxa ay sheegeen Magaalada Gaalkacyo in la geynayo Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka, si ay uga qeyb qaataan suggida amniga.
Axmed Jirile Qalinle oo Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Nabadaynta Gaalkacyo oo Warbaahinta kula hadlay Gaalkacyo ayaa faah-faahin ka bixiyay qorshaha Ciidamada imaanaya Gaalkacyo.
Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa waxa ay ku kala sugan yihiin goobihii la kala geeyay, si markale Gaalkacyo uusan uga dhicin dagaal.


