Kulan deg deg ah oo dhuusamareeb uga socdo Hoggaanka Ahlusunna

Wararka laga helayo Magaalada dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu Maanta kulan aan caadi aheyn uga socdo Xarunta Inji hoggaanka Ururka Ahlusunna Wal-jamaaca ee ku biiray Galmudug.

Kulanka oo Albaabada u xiran yihiin ayaa wararka aan heleyno waxaa ay sheegayaan in looga hadlayo guddiga farsamada ay magacowday dowladda federaalka Soomaaliya oo ay saluugsan yihiin.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in hoggaanka Ahlusunna ay Go’aano kasoo saari doonaan guddiga farsamada ee dhismaha maamulka galmudug oo la sheegay inaysan Xubno ku laheyn.

C/risaaq Maxamed Ashacari oo kamid ah hoggaanka Sar sare ee Ahlusunna ayaa dowladda ugu baaqay inay  wax ka bartaan dhacdooyinkii  Xumaa ee Galmudug ka dhacay sanadkii 2015 ee dowladii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,kadib qoraal uu soo dhigay BartiisaFacebook.

Lama oga go’aanka ay qaadan doonaan Hoggaanka ahlusunna oo horay dhowr mar heshiis ula galay dowladda Federaalka ee hadda jirta iyo kuwii ka horeeyey oo aan dhaqan gelin.