Kulan amniga looga hadlayay oo ka dhacay Muqdisho “SAWIRRO”

Muqdisho-RisaalaFM- Kulanka Khamiislaha ah oo ay isugu yimaadaan Saraakiisha Ciidamada Booliska, kuwa Nabad sugidda, Millitariga iyo Asluubta ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.

Kulankan ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay xarunta Ciidanka Booliska ee General Kaahiye ee Magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay dhamaan qeybaha kala duwan ee Ciidamada.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Maxamed Cumar Carte oo qeyb ka ahaa Mas’uuliyiinta ka qeyb gashay kulanka ayaa warbixin la xiriirta sida loo sugayo amniga ka dhageystay saraakiisha kala duwan.

Kulanka oo mudo saacado ah qaatay ayaa waxaa looga hadlay sugidda amniga Dalka gaar ahaan goobaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka Dalka.

Maxamed Cumar Carte Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka oo kulanka ka hadlay ayaa amaanay Ciidamada Dowladda gaar ahaan kuwa Booliska, waxaana uu sheegay Miisaaniyada 2017-ka Ciidanka Booliska in lagu soo dari doono, ayna qaadan doonaan lacag ka dheer Mushaarkooda.

Ugu dambeyntii Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Maxamed Sheekh Xasan (Xaamud) ayaa waxa uu sheegay amniga Dalka in uu yahay mid wanaagsan, sidoo kalena ay wadaan qorshooyin kale oo amniga lagu sugayo.

 

6

54321