Kulan looga hadlayay amniga oo ka dhacay Gaalkacyo

Gaalkacyo-RisaalaFM- Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa kulan ku yeeshay masuuliyiinta maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacyo iyo saraakiisha Ciidamada qeybahooda kala duwan.

Kulankan ayaa diirada lagu saaray amniga guud ee gobolka Mudug, gaar ahaan kan magaalada Gaalkacyo, waxaana la isla gartay in laga wada shaqeeyo amniga guud ee magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dhanka Galmudug C/rashiid Xaashi Cartan iyo Duqa degmada Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Barre oo warbaahinta la hadlay ayaa shacabka ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan Nabadda.

“Kulanka ka dhacay Gaalkacyo waxa uu ku soo dhamaaday jawi degan, waxaana la isla gartay in laga wada shaqeeyo arrimaha amniga, shacabka waxaan ka codsaneynaa in ay la shaqeeyaan Hay’adaha amniga, Saddex bil kadib waxaa markale kulan Gaalkacyo ku yelan doona Puntland iyo Galmudug.” Waxaa sidaas yiri Duqa degmada Gaalkacyo.

Magaalada Gaalkacyo dhowaan waxaa heshiis dhanka amniga ah ku kala saxiixday maamulada Puntland iyo Galmudug, kaasi oo ay goob joog ka ahaayeen labada Madaxweyne ku xigeen ee maamuladaasi.