Wararka laga helayo Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay Magaalada Garoowe ay ka dhaceen kulamo iska soo horjeeda oo ka dhan ah guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland & kuwo lagu difaacayo.
Xildhibaano kasoo horjeeda Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa waxaa ay wadaan qorsho ay uga keenayaan mooshin si ay xilka uga qaadaan halka Xildhibaano taageersan ay dhankooda doonayaan in Xildhibaannada kasoo horjeeda guddoomiyaha xasaanada laga qaado.
Ilo xog-ogaal ah ayaa Risaala u sheegay in Xildhibaannada garabka Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ah ay maanta doonayaan in xasaanada Xildhibaanimo ka xayuubiyaan ugu yaraan 5 mudane oo Guddoomiyaha mucaarid ku ah, halka garabka kalena doonayaan in ay ridaan guddoomiyaha.
Saacadihii la soo dhaafay ayaa siweyn looga dareemay Magaalada Garoowe guuxa mooshinada iska soo horjeeda, waxaana Magacyada Xildhibaannada la sheegay in la doonayo in xasaanada Xildhibaannio laga xayuubiyo ay kala yihiin.
Xil.Saleebaan Faarax,
Xil.Maxamuud Maxamed Barre,
Xil.Cabdiraxmaan Dhoorre,
Xil.Cabdiraxmaan Diiriye Carab,
Xil.Cabdi Jamaal Cismaan,
Xil. Sh.Cabdiqani Abshir Surato,
Xil.General Baduugaaye,
Xil.Muuse Jajabsay.
Dhinaca kale Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wado dadaalo uuku doonayo in la baajiyo mooshinka, inkastoo weli uusan ku guuleysan dadaalkiisa ku wajahan xallinta muranka u dhexeeya xildhibaannada iyo Guddoomiyaha.