Kulamo gaar gaar ah oo ka socda Magaalada Kismaayo

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi deni oo ku sugan Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa la kulmay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif & Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka ayaa ka dambeeyey kadib markii Madaxweyne Deni uu booqasho ugu tegay halka laga dejiyey Kismaayo labada Madaxweyne,waxana ay ka wada hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka & khilaafka dowladda iyo Maamulka Jubbaland.

Kulanka waxaa Madaxweyne Deni ku weheliyey xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Maamulkaas, iyada oo ay jiri doonaan kulamo kale oo madaxda ku dhex-mari doona inta aan la gaarin xaflada caleema saarka Madaxweynaha jubbaland.