Kulamo Caawa ka socda Madaxtooyada

Kulamo kala duwan oo looga hadlaayo Xaaladda Siyaasadeed ee dalka wajahan ayaa caawa  ka socda Madaxtooyadda iyo Hoteellada Muqdisho.

Kulamaddan ayaa ah kuwo iska soo horjeedo oo qaarkood lagu tageeraayo xilka qaadista Ra’iisul Wasaare Kheyre, halka kuwo kalena ay yihiin kuwo looga soo horjeedo.

Tiro Xildhibaano ah ayaa sheegay in go’aankii xilka looga qaaday Ra’iisul Wasaarihii dalka uu ahaa Mid aan waafasaqeyn Sharciga iyo dastuurka, maadaama xataa aan lagu darin Ajendaha Kulanka Xildhibaanada.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo soo gaaray galabta Muqdisho ayaa lagu waddaa in uu ku dhawaaqo go’aankiisa ku aadan xilka qaadista lagu sameeyay, islamarkaana hadli doona Saacaddaha soo socda.

Kheyre ayaa Shir kula jira qaar ka mid ah la taliyeyaasha.