Kulamo Caawa ka socda Guriga Gudoomiye Mursal

Kulamo kala duwan oo looga hadlaayo Siyaasadda Kacsan ee Soomaaliya ayaa Caawa ka socda Guriga Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Kulamaddaan ayaa waxaa ka qeyb ka ah Senetaro ka tirsan Aqalka Sare, waxaana ay Gudoomiyaha kala hadlayaan sidii loo afjari lahaa Xiisadda Siyaasadeed ee xilliggaan dalka taagan iyo Khilaafka Madaxda ugu sareysa dalka.

Gudoomiye Mursal ayaa Muuqda in uu helay Fursado uusan helin Saacaddihii lasoo dhaafay ka dib markii uu xabsi ku guri ku noqday Xarunta Madaxtooyadda Soomaliya uu ugu dambeyntii iska guuray Saakay.

Dhanka kale xildhibaanada Wasiiradda ah ayaa kulamo la leh Gudoomiye ku xigeenada Golaha Shacabka oo wali ku sugan gudaha Madaxtooyadda.

Gudoomiye Mursal ayaa maanta Caddeeyay in aysan waxba iska badalin Mooshinkii laga keenay Madaxweyne Farmaajo, islamarkaana baarlamaanka la horgeyn doono.