Kulamo Caawa ka socda Dhuusamareeb

Kulamo u dhaxeeya Madaxda maamul goboleedyadda ee gaaray Dhuusamareeb ayaa caawa ka socda xarunta Madaxtooyadda Galmudug oo ay degan yihiin inta badan Mas’uuliyiinta gaaray Magaalada.

Magaalada ayaa waxaa ku sugan Madaxweynayeyaasha Puntland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Jubbaland.

Waxaa sidoo kale ku sugan Xildhibaano iyo siyaasiyiin horay xilal uga soo qabtay Soomaaliya.

Kulamada ayaa looga hadlaya Ajendaha Shirka ka furmaya Magaalada Dhuusamareeb iyo sidoo kale sidii dalka loogu jiheyn lahaa go’aan Mideysan oo ku saabsan doorashada Soo socota ee Soomaaliya.