Kooxo hubeysan oo weerar kudilay 34 Ruux

Soldiers from the Nigerian Armed Forces patrol and secure the streets in Lagos Island, Lagos, on February 27, 2023, after hoodlums had harassed market owners. - Nigeria slowly counted more results on Monday after a tight election for the presidency of Africa's most populous nation as delays and accusations of manipulation fuelled tensions. Nearly 90 million were eligible to vote on Saturday for a successor to President Muhammadu Buhari, with many hoping for a new leader to tackle insecurity, economic malaise and widening poverty. (Photo by JOHN WESSELS / AFP) (Photo by JOHN WESSELS/AFP via Getty Images)

Ugu yaraan 34 qof oo ay ku jiraan toddobo askari ayaa lagu dilay weerar ay kooxo burcad ah ku qaadeen gobolka waqooyi-galbeed ee Nigeria ee Zamfara, sida uu sheegay Ismaaciil Magaji, oo ah madaxa kooxaha feejiganaanta ee dadka deegaanka.

Weerarkan oo ka dhacay degmada Dan Gulbi ee fog ee ismaamulka Maru ee gobolkaasi ayaa dhacay galabnimadii Isniinta, sida uu wakaalada wararka ee Reuters u sheegay Ismaaciil Magaji.

Lawali Zonai, oo ka mid ah dadka deegaanka, ayaa yiri, “27 ka mid ah dadka tuulada ayaa lagu dilay weerarka, halka 7 ka mid ah ciidamada milateriga la weeraray ay u socday inay bulshada ka caawiyaan weerarka foosha xun.”

Kooxo burcad ah oo si aad ah u hubeysan oo ay dadku ugu yeeraan “Burcad” ayaa dhibaato xooggan ka geystay waqooyi-galbeed ee Nigeria saddexdii sano ee lasoo dhaafay, iyagoo qafaashay kumannaan qof, iyagoo dilay boqolaal, kana dhigay meel aan ammaan ahayn in lagu safro.

Weerarada ayaa jahawareer ku riday ciidamada ammaanka Nigeria oo si xad dhaaf ah ula dagaalamaya waxa loogu yeero ‘kacdoonka islaamiyiinta’ ee 14-ka sano ka socday waqooyi bari.