Kooxo Hubeysan oo Wiil Dhalinyaro ah ku dilay Magaalada Gaalkacyo

Wararka naga soo gaaraya waqooyiga Magaalada  Gaalkacyo ee gobolka Mudug  ayaa sheegaya in xalay  halkaasi lagu dilay wiil yar oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Rooble kadib markii ay rasaas ku fureen kooco hubeysan  isku dayay in ay taleefon uu watay ay ka qaataan.

Weli lama sheegin cid loo qabtay dilka marxuumka islamarkaana wax war ah kama soo bixin laamaha amniga Puntland ee gobolka Mudug gaar ahaanna magaalada Gaalkacyo.

Degaannada  Maamulka Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ku soo badanayay  Falalka Lidigu ku ah Amniga iyadoo Hay’adaha Amniga  Puntland marar badan ay ku cel celiyeen in ay wax ka qabanayaan Amni Xumada ka jirta degaannadaPuntland.