Kooxo hubeysan oo toogtay mid ka mid ah Ergadii soo dooratay Xildhibaanada

Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in kooxo hubeysan ay degmadaasi ay ku toogteen mid ka mid ah Ergooyinkii soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Haabiil Abuubakar oo ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada Baarlamaanka Soo dooratay ayaa lagu dilay  Xaafadda Buundo Yar ee Afgooye.

Kooxihii dilka geystay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen waxaana halkaasi soo gaaray ciidamada dowladda Soomaaliya oo bilaabay howlgallo lagu baadigoobaayo kooxihii dilka geystay.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa sii kordhaayay dilalka loo geysanaayo Ergadii soo dooratay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.