Kooxo hubaysan ayaa magaalada Muqdisho dil toogasho ah ku dilay sarkaal ka tirsan ciidanka booliiska oo lagu magacaabo Ahmed Mousa Mohamud.
sarkaalkan oo ka tirsanaa ciidanka dowladda ayaa kooxa hubaysan ku dileen degmada Kaxda ee gobalka Banaadir manata oo taariikda ku beegantahay 10 October, 2020. Kooxaha hubaysan xabadda uga dhuftay madaxa iyo feeraha taas oo keentay inuu deg deg u geeriyooday.
dilalka saraakiisha booliiska ayaa maalmahaan kusoo badanayey magaalada Muqdisho.



