Kooxo Hubeysan oo Magaalada Boosaaso ku dilay Mas’uul ka tirsanaa Jaamacadda Bariga Afrika

Kooxo hubaysan  ayaa Nin lagu magacaabi jiray Khaalid Cali Khaalid oo ka tirsanaa macallimiinta jaamacadda bariga Afrika ku dilay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Marxuumka la dilay ayaa sidoo kale ahaa gudoomiye ku xigeenkii maamulka iyo maaliyadda Jaamacadda bariga Afrika sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta jaamacadda.

Wararka ayaa sheegaya kooxda dilka geysatay in ay baxsadeen oo aan la aqoonsan haybtooda.

Hay’adaha Amniga Puntland gaar ahaan magaalada Boosaaso weli kama hadlin dilkaasi . mana jirto cid sheegatay.