Kooxda ugu fiican toddobaadka Premier League-ga oo lasoo saarray

Toddobaadkii 11 aad ayaa la ciyaaray horyaalka Premier League-ga, waxaana guulo gaarray dhammaan kooxaha Lixda ah ee ugu sarreya marka laga reebo Arsenal iyo Liverpool oo iyaga isku garbo dhacay.

Si kastaba ha haatee, waxaa jiro ciyaartoy bandhig aad u wacan sameeyay, kuwaas oo liiskan kasoo muuqday.

Mareegta lagu magacaabo Starsport ayaa soo bandhigtay koox ay u aragto inay yihiin kuwii ugu bandhigga fiicnaa toddobaadkan kullamadii la ciyaaray.

Haddaba safkan waxa uu u dhiganyahay shax ciyaareed ah (3-4-3).

Waxaa Goolhaye u ah Kasper Schmeichel oo Leicester city ka tirsan.

Saddex difaac ayaa safkan kasoo muuqday, waxaana ay kala yihiin: Wes Morganoo Leicester ah, Zanka oo u ciyaara Huddesfield Town iyo Shkodran Mustafi oo naadiga Arsenal ka tirsan.

Qadka dhexe ayaa ka kooban afar ciyaaryahan oo kala ah: Raheem Sterling oo Manchester City u ciyaara, James Milner oo Liverpool ka mid ah, David Silva oo isna Cityzens u ciyaara iyo Richarlison oo Everton ka tirsan.

Weeraraka ayaa isna ka kooban saddex ciyaaryahan, waxaana ay yihiin: Alexandre Lacazette oo Arsenal u dheella, Alvaro Morata oo Chelsea ka mid ah iyo Sergio Aguero oo naadiga u ciyaara naadiga Manchester City.