Kooxda Taalibaan oo la wareegtay degaan u dhow Magaalada Kabul

Maleeshiyada Taalibaan ayaa la sheegay inay fariisimo ka dhigteen Deegaanka Shaar Asaayab oo 11 KM oo keliya u jia caasimada dalka Afghanistan ee Kabul, sida laga soo xigtay Xildhibaanad ka tirsan Barlamaanka dalkaasi.

Xildhibaanad Hida Axmedi ayaa sheegtay inay Dagaalamayaasha Taalibaan soo gaareen Deegaanka Shaar Asyaab oo 11 KM dhanka Koonfureed kaga toosan magaalladda Kabul.

Ciiddanka Dowladda waxay adkeeyeen Ammaanka Caasimadda, iyagoo bilaabay Hawlgal baaritaano, waxaa laga cabsi qabaa inay Maleeshiyadda u soo dusaan Kabul ama ay geystaan Is-qarxin.

Ilo Maraykan ayaa horey u saadaliyey inay Taalibaan muddo hal bil ah ku qabsan karaan Kabul.

Dagaalamayaasha Taalibaan waxay haatan si buuxda gacanta ugu hayaan 21 caasimad gobaleed oo ka mid ah 34 Caasimad Gobaleed ee uu dalkaasila kooban yahay.