Kooxda Chelsea ayaa wadahadal meel wanaagsan maraya kula jirta Kooxda Roma si ay £23 million ugu soo iibsato qadka dhexe Radja Nainggolan.
Warar ay saxaafada Ingiriiska heshay ayaa sheegaya in kooxda Roma ay soo diiday dalabkii ay xidigan kasoo gudbisay kooxda Chelsea.
Qadka dhexe ee qaranka Belgium-ka ayaa bartilmaameed koobaad u ah macalin Antonio Conte, waxaana la filayay inuu noqdo saxiixiisa koobaad.
Chelsea ayaa rajeyneysay iney hormar ka sameyso dalabkan, iyadoo Roma ka dooneysa Nainggolan iyo xidiga ay isku kooxda yihiin ee Kostas Manolas.
Daafaca dhexe ayaa sanadkii hore ku dhawaaday inuu ku biiro Chelsea, hase ahaatee heshiiska ayaa fashilmay kadib markii Roma ay weysay badalkiisa.
Si kastaba, Chelsea ayaa ku dadaali doonta iney ku guuleysato saxiixa labada ciyaaryahan ee kooxda Roma, si ay sanadka danbe ugu soo laabato wadada guusha.


