Branden Rodgers ayaa u dabaal dagay horyaalkiisii ugu horeeyay waayahiisa kooxda Celtic ee dalka Scotland kadib markii uu ka saaciday iney kooxdiisa markii lixaad oo xiriir ah u dabaal dagto hanashada xilli sideed kulan ay ka harsan tahay inuu xilli ciyaareedka dhamaado.
Celtic ayaa 5-0 ku xasuuqday kooxda Hearts taasoo keentay iney si hordhac ah ugu dabaal dagaan hanashada horyaalka, Sinclair ayaana dhaliyay sadexley goolal ah halka Stuart Armstrong iyo Patrick Roberts ay shabaqa soo taabteen.
Waxey aheyd guushii 28-aad ee horyaalka ay gaaraan, 30-kulan oo ay ciyaareen, waxeyna heleen 86-dhibcood, waxeyna 25-dhibcood ka sareysaa kooxda kaalinta 2-aad ee Aberdeen taasoo ugu yaraan imaan karta hadii ay guulaha kulamada haray soo gaarto 85-dhibcood.
Branden Rodgers oo laga ceyriyay shaqada Liverpool ayaa horyaalka Scotland awoodiisa ku muujiyay inkastoo aan la isku qiimeyn karin labada horyaal.
Celtic wax guuldaro ah lama kulmin, waxeyna horyaalka xaqiijisay iyadoon dhibaato arkin, xilli sidoo kale kooxda ay u dabaal dageyso sanad guuradii 50-aad ee kasoo wareegatay xiligii ay ku guuleysteen koobka European Cup sidoo kalana ay hanteen sadexleydii koobabka.



