Kooxda As Monaco oo Shaqada ka burisay Macalin Leanardo Jardim

Kooxda kubadda cagta ee As Monaco ayaa xilka macalimo ka xayuubisay Macalinkeeda Leanardo Jardim kadib markii uu xilli ciyaareedkan ku bilaawday si liidata horyaalka Ligue 1.

Macalin Jardim ayaa ciyaartooy badan ka iibiyay Monaco waxaana  kamid ah kylian mbappe, Anthony Martial, Benjamin Mendy iyo Bernardo Silva.

Maamulka kooxda Monaco ayaa go,aan adag ka qaatay macalin jardim waxaana ugu dambeeyn ay shaaciyeen in laga buriyey kooxda.

Sikastaba kooxda Monaco ayaa haatan fadhisa kaalinta 18aad ee horyaalka iyagoo ciyaaray 9 kulan 9 dhibcoodna helay.

44 sano jirkan ayaa muddadii uu kooxda Monaco ku sugnaa ka saaciday horyaalka wadanka france isagoo sidoo kale geeyay Semi finalka Koobka Horyaalada qaarada yurub.