Kooxda Man United oo loolan ugu jirta helida Donny van de Beek

Sida laga soo xigtay Telegraaf, kooxda heysata 20ka jeer EPL ee Manchester United ayaa wadahadalo kula jirta kooxda heysata Horyaalka Eredivisie Ajax si ay kaga qaataan Donny van de Beek.

Xiddiga qadka dhexe ee reer Holland ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Real Madrid xagaagii hore, laakiin u dhaqaaqistiisa suura gal ma noqon.

Xiisaha kooxda EPL ay u qabaan Van de Beek ayaa lagu soo waramayaa inay muddo dheer taagneyd, iyadoo majalada Athletic ay soo warisay bishii Janaayo inuu ka mid yahay musharixiinta uu doonayo tabbare OLe.

Ciyaartoyda sida Jack Grealish, James Maddison iyo Jude Bellingham ayaa kujira liiska ciyaartooyda ay dooneyso kooxda EPL, laakiin Van de Beek ayaa lagu soo waramayaa inuu safka hore galay.

Sida warbixinta lagu sheegay, Real Madrid ayaa ka fiirsaneysa inay heshiiska ciyaaryahanka isaga baxdo sabab a xirirta hubinti la’aanta dhaqaalahooda ka dib dillaaca COVID-19.

kooxda ka dhisan EPL ayaa raadineysa inay ka faa’ideysato xaaladaan islamarkaana si dhaqsi ah heshiiska loo dhameystiro.

Telegraaf ayaa sidoo kale intaa raacisay in xiriirka ay kooxda EPL la leedahay Ajax uu sareeyo. Ed Woodward wuxuu ku raaxeysanayaa xiriir wanaagsan ee uu la leeyahay agaasimaha guud ee kooxda Ajax Edwin van der Sar, kaasoo matalay Manchester United lix sano.

The Times ayaa ka dhawaajisay arintaan, iyagoo intaa ku daray in kooxda ka ciyaarta EPL ay ka fiirsaneyso dalab la rumeysan yahay inuu garayo 55 milyan euro inay ka gudbiso ciyaaryahanka. Ajax ayaa iska casishay inay lumiso 23 jirka xagaagan, waxaana loo arkaa hadii uu dhameystiro heshiiskaan inuu rumeeyay riyadiisa ah inuu ku biiro EPL.

Intaa waxaa sii dheer, Red Devils ayaa sidoo kale lala xiriiriyay inay lacag badan ku iibisanayaan Jadon Sancho.

Tan iyo markii uu Bundesliga ku biiray 2018, Sancho wuxuu sameeyay bandhig cajiib ah oo soo jiitay kooxaha waaweyn ee Yurub.

Sancho ayaa jeclaan lahaa inuu ku laabto EPL isla markaana Red Devils uu ku biiro, halka Chelsea ay sidoo kale isha ku heyso xaaladiisa.

Manchester United ayaa la filayaa inay xili ciyaareedka dmabe ku dagaalaman horyaal EPL oo aysan qaadin tan iyo markii uu ka tagay Sir Alex Ferguson.

James Maddison iyo Jack Grealish ayaa sidoo kale lala xiriiriyaa inay u dhaqaaqayaan Old Trafford. Si kastaba ha noqotee, midkoodna kama horeyn doono saxiixa Van de Beek.

Horyalka EPL ayaa loo qorsheeyay inuu soo laabto dabayaaqada bishaan kadib laba bilood oo la maqnaa sameynta cudurka coronavirus ee ka dillaacay Yurub.

Manchester United ayaa ku jirta kaalinta shanaad ee kala sareynta \waxayna haatan seddex dhibcood ka dambeysaa Chelsea oo ku jirta kaalinta afaraad.