Kooxdaan Qaramada midoobay ka socota ayaa waxay u kuur galayaan sida uu dekedda Xudeydiyah uga hirgalay heshiiska xabbad joojinta.
Kooxdan uu hoggaaminayo General Patrick Cammaert oo uu u dhashay dalka Denmark waxay dekedda gaareen maanta iyaga oo howlahooda u kuurgelidda xabbad joojinta iyo dhinacyada magaalada ku dagaallamayay.
Maalintii shalay ahayd ayuu golaha ammaanka ee qaramada midoobay ansixiyey qaraar lagu meel marinayo koox ka socota qaramada midoobay oo muddo 30 maalmood ah dekedda xudeydiyah ka howl galeysa.
Sanado badan kaddib waxaa dalka Yemen laga qabaa rajadii ugu wanaagsaneyd.
Heshiiska dhexmaray dhinacyada ku dagallamaya Xudeydiyah ayaa waxay horraanti bishan ku guuleysteen wadahadallo nabadeed iney yeeshaan.
Wadahadallaadaasi oo loo arkay iney mustaqbalka u horseeddo heshiis la taaban karo iney sanadka cusub gaaraan.
Xudeydiyah waxay sanadkan ahayd meel aad u halis badan oo ay ka dhacayeen dagaallo.


