Koox Caan ah oo lacago badan ku dooneysa Neymar

Kooxda Kubadda Cagta ee Real Madrid ayaa dalab gaaraya 90 milyan euro oo uu la socdo Gareth Bale ka gudbisay Ciyaaryahanka Caanka ah ee reer Brazil ee Paris Saint-Germain Neymar.

Xiddiga reer Brazil ayaa si xoogan loola xiriirinayay xagaagan inuu ku laabanayo Barcelona iyadoo mustaqbalkiisa kooxda ka dhisan caasimada Faransiiska aan la hubin.

Si kastaba, waxaa soo baxay warar cusub oo la xiriira in Madrid aysan weli ka bixin tartankii ay ugu jirtay saxiixa ciyaaryahanka, Barcelona ayaana ka warqabta warkaan cusub inkastoo ciyaaryahanka uu doonayo inuu ku laabto Barcelona bedelkii uu tagi lahaa caasimada Spain.