Misre-RisaalaFM- Ciidamda Boliiska Gaarka ah ee maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa burburiyay Saldhig deegaanka Misre ee degmada Diinsoor ay ku lahaayeen Al-shabaab.
Wasiirka Hub kadhigista iyo Dhaqan celinta Maleeshiyaadka maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed, ayaa sheegay in ciidamada Boliiska Gaarka ay weerar qorsheysan ku qaadeen deegaanka Misre, islamarkaana ay la wareegeen saldhig ay Al-shabaab ka soo abaabuli jireen weerarada qorsheysan ee lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.
Wasirka ayaa sheegay in ururka Al-shabaab ay isku dayeen in ay iska caabiyaan ciidamada, balse ciidamada ay halkaasi ka saareen oo hada deegaanka Misre ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda.
Boliiska Gaarka ee dhowaan loo tababaray maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay waday howlgalo ay Al-shabaab kala wareegayaan deeganada uu ka taliyo maamulkaasi.


