Dad banaan baxayey ayaa dab qabadsiiyey kongareeska Paraguay, ayadoo ay soconayeen mudaaraadyo rabshado wata oo lagu diiddan yahay xeer madaxweynaha u saamaxaya in uu mar kale doorasho u istaago.
Dadka banaan baxayay ayaa xarunta gudaha u galay, ayagoo jabiyey daaqadihii iyo gidaarkii xayndaabka xaruntaas ku taalla magaalada Asuncion habeennimadii Jimcaha, ka dibna dab qabadsiiyey.
Dastuurka dalka ee la qaatay 1992 ayaa wuxuu ahaa mid la soo rogay ka dib 35 sano oo kali-talisnimo ay jirtay, wuxuuna si adag xudduud ugu yeelay in 5 sano oo kaliya oo hal mar ah uu madaxwaynuhu xafiiska hayn karo.
Laakinse madaxweynaha iminka talada haya Horactio Cartes ayaa isku dayaya in xudduudaas meesha laga saaro oo uu mar kale doorasho galo.



