Kolonyo uu la socday MW Hirshabelle oo qarax lagula eegtay Jowhar.

Wararka laga helayo Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in qarax miino lala beegsaday kulanyo gelbineysay Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen xilli uu maraayay halka loo yaqaan Jiiro Carmoole oo u dhaxeeysa Jowhar iyo Garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere.

Mid ka mid ah gaadiidka ayaa la sheegay inuu haleelay Qaraxa, waxaana la sheegay in xubno ka tirsan Hirshabelle ay ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa sheegaya in 2 qof ay ku dhaawacmeen Qaraxa oo ah askar iyo ciidan, sida ay Risaala u sheegeen dad goobjoogayal ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Kolonyada galbibaysay masuuliyiinta ay maanta ka tageen magaalada Muqdisho, iyagoo dib ugu laabtay magaalada Jowhar.

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada maamulka Hirshabelle Maxamed Nuur Shuuriye ayaa xaqiijiyay qaraxa, isagoo qoraal uu soo qoray ku yiri ” Alle ayaa mahad leh, caafimaad iyo soo kabasho ayaan u rajeynayaa saaxiibada gaariga nala saarnaa.”

Ma jiraan khasaare kale oo ka dhashay qaraxa, sidoo kale ma jirto wax khasaare oo soo gaaray madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe.

Dadka ku dhaaawacmay ayaa lagu daaawaynaa isbitaalada magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe.

Maamulka degmada Jowhar iyo Kan Hirshabelle ma jirto cid ka hadashay ilaa iyo hadda qaraxa.

Wixii ku soo kordha la soco.