Kolo Toure “ayaa u dagaalami doona illaa iyo dhamaadka” inuu ku guuleysato heshiis Cusub inuu ka helo Liverpool.
Reds ayaa la filayaa in ay sii daayaan daafacan halyeeyga ah marka qandaraaskiisa haatan oo ku eg dhamaadka xilli ciyaareedkan la gaaro, ka dib markii ay xaqiijiyeen inay lasoo wareegi doonaan daafaca heerka caalami ee dalka Cameroon Joel Matip.
Weli Toure ayaa si joogto ah todobaadyadii la soo dhaafay ugu ciyaarayay kooxda, sababo la xiriira dhaawac soo gaaray daafacyada kale ee kooxdan.
Wuxuu ka hortagi doonaa Finalka Capital One Cup kooxdisii hore ee Manchester City iyo walaalkiis Yaya.
34-sano jirkaan ayaa aaminsan in qof walba uu ku guuleysan karo waxa uu qabto.


