Maxkamadda Darajada Koowaad ee degmada Gaalkacyo ayaa maanta markale u fariisanaysa dhageysiga kiiska gabadha yar ee Saabiriin Saylaan oo 12-kii bishan lagu dilay magaalada Gaalkacyo, iyadoo loo soo xiray laba eedeysane oo kala ah Hodan Maxamuud Diiriye iyo Cabdicasiis Nuur.
Maxkamaddu horey ayay u dhageysatay doodihii Xeer Ilaalinta iyo qareenada difaaca labada eedeysane.
Eeda ugu weyn waxay si gaar ahaaneed ugu wajahan tahay Hodan Maxamuud Diiriye, oo lagu eedeeyay jirdil culus oo sababay geerida Saabiriin.
Sidoo kale horey Xeer Ilaalinta gobolka Mudug ayaa soo bandhigtay caddeymo muhiim ah oo laga helay taleefanka Hodan, kuwaas oo ahaa muuqaallo muujinaya tacaddiyo iyo jirdil joogto ah oo loo geysanayay Saabiriin, kuwaas oo ugu dambeyn sababay dhimashadeeda.
Hodan Maxamuud Diiriye oo maxkamadda ka hadashay ayaa sheegtay in ficillada tacaddiga ah ay dhici karaan xilliyo ay miyir-beel ku jirtay, maadaama ay qabto xanuun sababa inay waaydo miyirka. Waxay ku dooday inaysan si buuxda u garaneyn sida wax u dhaceen.
Cabdicasiis Nuur, oo ah eedeysanaha labaad, ayaa kiiska qeyb uga muuqday kadib markii Hodan ay isaga u sheegtay in gabadhu aysan soo kicin, taas oo keentay in baaritaan lagu daro lugtiisa kiiska.
Kiiskan culus oo bulshada Gilgiley ayaa si dhow loogu wada socdaa, iyadoo la sugayo sida maxkamaddu u maareyn doonto dacwadda iyo go’aanka caddaaladeed ee laga filayo.



