Kiisaska Coronavirus ee dalka Pakistan oo korortay

Warka soo baxay Dalka Pakistan Maanta oo Isniin ah ayaa lagu sheegay in ay diiwaangelisay 3,557 kiis oo ah coronavirus cusub 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo 49 ay tahay dhimashada cusub, sida lagu sheegay xog rasmi ah.

Marka lagu daro Kiisaska cusub tirada guud ayaa gaartay ilaa 206,512-xaaladod, taasoo dalkaasi ka dhigtay wadanka 12-aad adduunka oo dhan marka laga hadlayo kiisaska covid-19.

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka, tiradaasi waxay muujisay hoos u dhac ku dhawaad 3,000 oo ah rikoorkii ugu sarreeyay oo ahaa 6,895-kiis.

Caasimada dalka ee Islamabad oo malaayiin ruux ku noolyihiin ayaa hadda waaa ay la ciirciireysaa xaalada isbiirsaday, iyadoo dowladda Pakistaan sheegtay in wax isbadal ah samayn doonto.