Magalada Kismaayo gaar ahaan hoolka doorashada waxaa Goordhow ka bilaabatay hadal-jeedinta musharaxiiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland, iyada oo aamniga siweyn loo adkeeyay.
Ilaa Afar Musharax ayaa Maanta jeedin doona khudbadahooda musharaxnimo oo mid ka mid ah ay haweeney tahay,waxaana Xarunta ku sugan inta badan Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Jubbaland.
Musharixiinta ayaa khudbadahooda waxaa ay kusoo bandhigayaan hadalo ay kusoo jiidayanaan Xildhibaannada si loo doorto,waxaana Musharax Canab Maxamed daahir oo hadal-jeedinta bilaawday ay sheegtay inay diirada saari doonto hadii ay guuleysato dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Saddexda musharax oo kale ayaa la filayaa in ay Khudbadahooda jeediyaan,waxaana musharax walba la siiyay in uu Xildhibaannada u khudbeeyo 15 Daqiiqo,sida ay sheegeen Xubnaha Maanta u xilsaaran la socodka iyo tebinta khudbadaha musharixiinta.
Laba ka mid ah musharixiintii is diiwaangeliyay ee Madaxweynaha Jubbaland oo lagu kala magacaabo Axmed Cabdi iyo Cabdi Xiis ayaa Maanta waxaa ay ku dhaqaaeen inay ka tanaasuleen u tartamida xilka Madaxweynaha Jubbaland.