Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho u sheegay in Khilaaf cusub uu soo gala dhexgalay dowladda Dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle.
Wasiiro ka tirsan maamulka ayaa Risaala u sheegay Khilaafkaan uu yimid ka dib markii dowlada dhexe ee Soomaaliya ay bixin weysay Dhaqaallihii loogu tala galay maamulka Hirshabeelle.
Waxaa sidoo kale la sheegay in dowladda dhexe ay balamihii uga baxday Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle , Maadaama uu ka baxay golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda.
Xildhibaanadda iyo Wasiiradda Hirshabeelle ayaa wax mushaar ah qaadan bilooyinkii ugu dambeeyay, waxaana taasi ay dhalisay in Madaxweynaha uu la kulmo Caddaadis kaga imaanayay Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.
Risaala Waxaa Mas’uuliyiinta Hirshabeelle u xaqiijiyeen in uu jiray Ballanqaad ahaa Markii Madaxweynaha uu kasoo baxayay golaha Iskaashiga in laga bixin doono Mushaarka Xildhibaanada iyo Wasiiradda Hirshabeelle taasoo ugu dambeyntii fashilantay.



