Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Xasan Cabduqaadir Maxamed oo uu wehlinayay Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Baay ayaa kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka degmada Bardaale.
Kulanka ayaa looga hadlayay sidii xal looga gaari lahaa khilaaf dhinaca Maamulka ah oo ka taagan degmadaas, kaas oo u dhaxeeya Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Bardaale ee Gobolka Baay.
Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka degmada Bardaale ayaa sheegay in dhibato ay ka taagan tahay degmada Bardaale, isla markaana looga baahan yahay madaxda Maamulka Koonfur Galbeed ay xal ka gaaraan.
Waxaa ay sheegeen in dadka kunool degmada Bardaale ay yihiin kuwo nabadda jecel, hayeeshee Madaxda Koonfur Galbeed ay uga mahad celinayaan xalinta khilaafka kajira degmada Bardaale.
Degmada Bardaale ee Gobolka Baay ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka weli u go’doonsan Al-Shabaab, iyada oo mararka qaar duleedka degmadaas ay howlgallo ka fuliyaan Ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed



