Kheyre oo ka baaqday Baladweyne & Sheekh Shariif & Xasan Sheekh oo la fasaxay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka baaqday safaruu Maanta oo Axad uu ku tegi lahaa Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan,halkaas oo uu fatahaad ka sameeyey Wabiga Shabeelle.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in sababaha uu Kheyre  Baladweyne uga baaqday ay qeyb ka tahay Roob saacadihii la soo dhaafay ka da’ay Baladweyne,isla markaana Garoonka Magaaladaasi uu saameyn ku yeeshay.

Dhinaca kale Warar ay heleyso Idaacadda Risaala ee Magaalada muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in dib loo fasaxay Madaxweyanayaashii hore ee Soomaaliya ee Sheekh Shariif & Xasan Sheekh oo ku wajahnaa Baladweyne,balse Maanta loo diiday inay ka dhoofaan Garoonka Muqdisho.

Wararkii ugu dambeeyey ee na soo gaaraya ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ee Sheekh Shariif & Xasan Sheekh ay u dhoofeen Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.