KHEYRAADKA NAGU YAR BY UGAAS

KHEYRAADKA NAGU YAR
Soomaalidu, shacab iyo mas’uuliyiinba, waxaa caado u ah inay ku faanaan in Soomaaliya ay leeyahay kheyraad kala duwan. Laakiin su’aasha isweydiinta mudani waxay tahay “ummad intaasoo kheyraad ah haysata maxay ugu nool yihiin saboolnimo?

Aan marka hore fiirino kheyraadka iyo nolosha dadka:

1. Xeebta ugu dheer: Kalluunka iyo kheyraadka badda ku jira intay soo baxaan dadka ka ag dhow wax uma tari karaan. Taas caksigeed, kalluun gasacadeysan ayaa Soomaaliya looga keenaa Thailand. Xeebta Soomaaliya ayaa 100km ka dheer tan Thailand.
2. Webiyada biyahooda isma keydin karaan, mana aadi karaan meel ka baxsan jidka ay hadda ku socdaan. Balcad iyo Jowhar oo uu webigu maro ayaa sanad gudahiis marna harraad, marna biyo-baxo loogu dhimanayaa.
3. Dhul-beereed baaxad weyn: Dhulku intuu isbeero nama siin karo cunto. Caano iyo khudaarba, sida yaanyo gasacadeysan, ayaa loo soo dhoofiyaa dalka.
4. Xoolaha: Soomaaliya waxay leedahay xoolaha ugu badan marka loo eego inta qofkii ku soo aadeysa (per capita) ee Afrika iyo Carabta. Laakiin shirkadaha Soomaaliyeed waxay isugu faanaan inay caano gasacadeysan soo dajiyaan.
5. Shidaal iyo macdan kale ayaan leenahay: Kheyraadka dhulka hoostiisa ku jira sida dheeman, dahab iyo shidaal hadday wax tarayaan waxay saboolnimada ka saari lahaayeen Nigeria, Koonfurta Suudaan iyo Congo.

KHEYRAADKA UGU MUHIIMSAN
Haddaba waxaas oo kheyraad ah waxay wax la tari waayeen waxaa maqan kheyraadka ugu muhiimsan adduunka oo ah DADKA (Human Resources), waayo dadka ayaa ah maskaxda iyo muruqa ka shaqeysiiya nooc kasta oo kheyraad ah.

Adduunyada waxa la isku dhaafay waa kheyraadka DADKA. Mana aha in dadku badan yihiin ama yar yihiin ee waa inay leeyihiin aqoon, ilbaxnimo, iyo wacyi sarreeya, ka dibna waxaa ka soo dhex baxa hoggaan wanaagsan. Sidoo kale muhiim ma aha inay leeyihiin kheyraad kale sida bad, xoolo, dhul-beereed, iwm, waayo kheyraadka kale oo dhan waa la soo iibsan karaa.

Horumarku wuxuu iman doonaa maalinta Soomaalidu gaarto heer ay ku faani karto kheyraadka DADKEEDA oo la iska illoobo kheyraadka kale ee hadda lagu faanayo. In la helo dad lagu faani karana waxaa ka horreeya qorshe iyo dadaal badan.

SIDEE LOO HELAA?
In la sameeyo dad lagu faani karo ma aha hawl sahlan ee waxay rabtaa aragti, maalgelin iyo dadaal muddo dheer socda. Tusaaleyaashan ayaa muujinaya ahmiyadda DADKA:

1. Waxa adduunyada saaran waxaa ugu qiime badan dadka. Qiimahaas micne weyn ayuu xambaarsan yahay.
2. Nabi Maxamed (NNKH) waxay ku qaadatay muddo 13 sano inuu soo saaro dadka uu doonayo inay hoggaamiyaan dowladda ka dhismi doonta Madiina.
3. Aadanuhu way ka siman yihiin sida ay adduunyada ku yimaadaan – inay hooyo ku dhasho ugu badnaan sagaal bilood. Laakiin waxaa la isku dhaafay waa wixii la geliyay dhalashada ka dib.
4. Dadka in la dhiso ayaa ka jaban mustaqbalka fog horumar kasta oo kale oo la sameeyo, waayo dadku iyagaa sameyn doona mucjisooyin iyo waxyaabo aanan hadda lagu fekereyn oo dadka iyo dalkuba ku diirsadaan.
5. Waxbarashada waa waxa kaliya ee lacagtii la geliyay ka badan ay ka soo baxdo. Tusaale ahaan qofka caadiga ah lacagtii kaga baxday dugsi hoose illaa jaamacad oo dhammeyd illaa 16 sano waxaa macquul ah inuu ku helo sanad ama sanado kooban gudahood. Uma baahnaan doono inuu 16 sano shaqeeyo si uu u soo celiyo lacagtaas.

Haddaba ha lagu dadaalo sidii loo tayeyn lahaa kheyraadka DADKA. Haddiise aan waqti iyo hantiba gelino dhismayaal waxaa ugu dambeynta burburinaya isla dadkii ka faa’iideysanayay.
Dhismaha kheyraadka wuxuu ka soo billowdaa waxbarasho tayo iyo tiro leh oo qof kasta gaarta. Si taas loo hirgeliyo waa in wasaaradaha waxbarashada la siiyo ahmiyadda ugu weyn ee dhinaca miisaaniyadda, kaalmada kale ee la helayana qeyb badan loo duwo dhankaas.
Dhinaca kalena waxbarashadu waa inaysan noqon middii aan soo marnay ee xifdiska ku saleysneyd, aysana la socon maaddooyin ardeyda ka dhisaya waddaniyadda, mas’uuliyadda, dhaqanka magaalada iyo bulshada (civics) ee waa inay noqoto mid leh hadaf, soo saarta dad waxtar leh, maskax fayow, oo keena hal-abuur nolosha dadka wax ka beddelaya.

Hawshan ma aha mid qof ama hay’ad ay qaban karaan ee waxay u baahan tahay rabitaan siyaasadeed, qorshe iyo dadaal dowladeed oo joogto ah.

Ilaah ha na tuso Soomaali oo aan ku faaneyn ma-noole (dhul-beereed, macdan, shidaal) iyo noole aan caqli lahayn (xoolaha), laakiin ku faaneysa noole caqli leh (DADKEEDA).

SAWIRKA: waa in dadku udub-dhexaad u yahay kheyraadka kale.

W/Q: Axmed Ugaas.