Muqdisho-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta Kormeeray Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.
Khayre ayaa xarunta Wasaaradda waxaa ku soo dhaweeyey Wasiir ku xiggeenka Wasaaradda C/laahi Sheekh Cali (Qaloocow), Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim iyo Masuuliyiin kale.
Ujeedka Ra’iisul Wasaaraha uu ku tagay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ayaa waxa ay aheyd siddii uu ugu kuur gali lahaa shaqada Wasaaradda ka socota iyo Hanaanka Shaqo ee Shaqaalaha.
Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhiiri galiyey Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda, isagoo ku boggaadiyey howsha adag ee Bulshadda Soomaaliyeed ay u hayaan, in ay sii laba jibaaraan.





