Muqdisho-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay inaanu jirin isku shaandheyn uu ku sameynayo Golihiisa Wasiirada, wuxuuna sheegay Xukuumada in aysan jirin mudo Lix bilood ah.
Wuxuu sheegay in loo baahan yahay marka hore in uu cabiro shaqooyinkii ay qabteen Wasiirada, in ay fuliyeen balantii ay ka qaadeen shacabka Soomaaliyeed, sidaasi darteed ay muhiim tahay in waqti la siiyo Wasiirada.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay dhaqanka ummadda Soomaaliyeed waayahan dambe in uu noqday in ay sahlan tahay in wax la dumiyo, taasina aanan loo baahneyn, hadii la doonayo horay u socosho.
Sidoo kale Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa sheegay in ay aad u dhib badan tahay in la dumiyo Hay’ad la dhisay, shacabka Soomaaliyeedna looga baahan yahay in ay dulqaataan.
“Xukuumadda lix bilood ma dhama Ra’iisul Wasaaraha oo keliya ayaa lix bilood jooga, waxaa loo baahan yahay marka hore inaan cabiro shaqooyinkii ay qabteen Wasiirada, balantii ay ka qaadeen shacabka maka soo baxeen, sidaasi darteed waxaa muhiim ah in fursad la siiyo Wasiirada”. Ayuu yiri Khayre.
Maalmahan dambe ayaa waxaa baraha bulshada iyo warbaahinada qaar ay hadal hayeen in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu isku shaandheyn ku sameynayo qaar ka tirsan Golihiisa Wasiirada.



