Khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

Khasaaro siugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya lagula beegsaday degaanka lafoole ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku waramaeen in qaraxa oo ahaa miino lagu Aasay Maqaaxi ku taalla bar-koontorool oo Ciidamada dowladda ay lacag ku qaadaan oo ku taalla degaanka lafoole.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa ay ku geeriyoodeen laba askari halka ay ku dhaawacmeen Saddex ruux oo ahaa Shacabkii ku sugnaa Goobta maqaayada ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ka tegay dhinaca degaanka Ceelasha Biyaha ayaa tegay halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlgallo ay ku baadi-goobayeen dadkii ka dambeeyay qaraxa wallow aysan dad u qaban.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa, iyaga oo sheegay inay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa halka uu qaraxa ka dhacay.

Qaraxyada loo adeegsado miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa kusoo batay Magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, waxaana inta badan lala eegtaa askarta Ciidamada Dowladda Soomaaliya.