Wararka naga soo gaaraya Galgaduud ayaa sheegaya Maleeshiyaad hubeysan ay rasaas ku fureen gaari ay saarnaayeen dad ganacsato ah, kuwaasi oo markii hore ka ambabaxay degmada balanballe ee gobolka Galgaduud islamarkaana ku sii jeeday dowlad deegaanka soomaalida itoobiya.
Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka garsle oo hoostaga dowlad deegaanka soomaalida, sida ay ii sheegeen dadka deegaanka.
Inta la xaqiijiyay weerarka ayaa waxaa ku geeriyooday 2 qof, halka hal qof oo kalana weerarka uu ku dhaawacmay.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya deegaanka garsle ayaa sheegaya haatan dagaal qaraar oo u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed oo ka soo ka soo kala jeeda deegaanka garsle iyo degmada balanballe uu ka socdo halkaasi.



