Faah Faahino ayaa ka soo baxaya israsaaseyn dhexmartay ilaalada Xabsiga dhexe iyo qaar kamid ah Maxaabiis oo la sheegey in loo gudbiyay qoryo iyo bambooyin gaar ahaan qaybta dadka ku xukuman dilka-toogashada.
Xabsiga dhexe ayaa waxaa ku xiran maxaabiis lagu helay dambiyo kala duwan.
Sidoo kale Dawlada Soomaaliya ayaa sheegtay in la soo gaba gabeeyay Weerarkii ka dhacay Xabsiga Dhexe.
Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa soo gabagabeyay howlgalka maxabiis ka dhex dagaalantay Xabsiga Dhexe ee Xamar, waxaana la toogtay 5 nin oo isku dayey inay dagaalamaan.
Taliska Asluubta ayaa soo bandhigay meydadka raggii isku dayey inay qal-qal geliyaan amniga Xabsiga, waxaana la sheegay in markii horaba ay ragaasi ahaayeen Shabaab xukuman dil



