Khasaare ka dhashay Israsaaseyn ka dhacday Magaalada Boosaaso

In ta la og yahay saddex qof ayaa ku dhaawacantay israsaaseyn maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Israsaaseynta  ayaa saldhiga bartamaha magaalada Boosaaso  taas oo  dhexmaray ciidamada Booliska Puntland iyo ciidan ka tirsan PSF sida ay Warbaahinta Risaala u xaqiijiyeen dad Goob joogayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in israsaaseyntan ay dhacday ka dib markii muran ka dhashay rag ka tirsan PSF oo lagu xiray saldhiga bartamaha ee Boosaaso .

Taliska Ciidanka Booliska Magaalada Baasooso iyo PSFta Puntland  weli kama hadlin dhacdadaasi.