Khasaaraha ka dhashay qaraxa caawa ka dhacay Muqdisho (SAWIRRO)

Muqdisho-RisaalaFM- Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Dheere oo warbaahinta kula hadlay goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay qaraxa caawa ka dhacay maqaaxida Somali Coffee oo ku taalla wadada Maka Al-mukarama gaar ahaan meel aan sidaas uga fogeyn Shaneemo Somali.

Gaariga qarxay ayaa waxa uu marayay wadada, wxaana nuuciisa lagu sheegay gawaarida raaxada, iyada oo qaraxan si weyn looga maqlay qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Qaraxan inay ku geeriyoodeen ilaa Afar qof oo uu ku jiro ninkii gaariga kaxeynayay, halka ay ku dhaawacmeen ilaa Todobo qof oo kale oo dhammaantood shacab ahaa.

“Inaa Lilaahi Wa inaa ileyhi raajicuun, waxaan ka tacsiyadeynayaa dadkii ku geeriyooday qaraxaii caawa ka dhacay halkan oo tiradooda ay gaareyso Afar qof, halka ay ku dhaawacmeen Todobo kale, laamaha ammaanka ayaa wada baaritaanada halka uu gaarigan bartilmaameedkiisa ahaa, burbur ayaa soo gaaray maqaaxida”. Ayuu yiri Saalax Dheere.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay muujinayaan in halkaasi sidoo kale ay ku gubteen gaadiid kale oo wadada marayay, halka uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay tahay goob aad u mashquul badan.

Waa qaraxii ugu horeeyay ee magaalada Muqdisho ka dhaca tan iyo markii ciidanka Boolis Millataria lagu wareejiyay ammaanka magaalada Muqdisho, kadib markii la xareeyay ciidankii nabad sugidda.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay sheegayaan in hada xaaladu ay tahay mid degan, islamarkaana goobta laga sameeyay olole nadaafadeed.