Baay-RisaalaFM- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaaal maanta ka dhacay Degaanka Goofgaduud, oo 26-KM dhinaca galbeed kaga toosan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Shabaabka ay weerar ku qaadeen xero Ciidanka Millitariga iyo kuwa Koonfur Galbeed ay leeyihiin Degaanka Goof-gaduud.
Ciidan gurmad ahaa oo ka amba baxay Magaalada Baydhabo, ayaa lala beegsaday qarax hareeraha wadada lagu diyaariyay, waxaana uu gaystay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur maaliyadeedba isugu jira.
Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhimatay, ku dhawaad 15 kalena wey ku dhaawacmeen dagaalka ka dhacay degaanka Goof-Gaduud ee Gobolka Bay, kuwaasi oo isugu jira dhinacyadii Dagaalamay.
Al-Shabaab ayaa sheegatay iney muddo kooban qabsadeen magaalada, ilaa 17 Askarina ay ku dileen dagaalka halkaasi ka dhacay, hase yeeshee saraakiisha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa beeniyay arrintaasi, iyagoo sheegay in Ciidamadoodu ay hadda ku sugan yihiin degaanka Goof-Gaduud.
Goof-Gaduud oo qiyaastii 30-KM u jira Magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Bay ayaa waxaa ku soo noqnoqda dagaallada noocaan ah ee u dhexeeya Ciidamada Dowladda iyo kuwa Al-Shabaab.


