Galgaduud-RisaalaFM- Wararka ka imaanaya bartamaha Soomaaliya gaar ahaan degaanka Xaraale ee gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Dagaal culus oo waqti badan socday.
Dad goobjoogayaal ah ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in Dagaalka uu u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan ururka Ahlusuna iyo dadka degaanka.
Inta la ogyahay dagaalkan waxaa ku geeryootay 7 Qof, halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen dadka degaanka.
Inkastoo Dagaalka uu ahaa mid xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsadeen Hubka cul culus ayaa ilaa hadda waxaanan si rasmi ah loo xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi.
Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha maamulka Galmudug oo la hadlay VOA ayaa dagaalkan ku eedeeyay maamulka Ahlusuna, oo uu sheegay in ay la dagaalamayaan dadka degaanka oo aan waxba ka galabsan.
Sidoo kale Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha maamulka Galmudug ayaa sheegay in aysan iyaga qeyb ka aheyn Dagaalka, hase ahaatee uu u dhaxeeyo Ahlusuna iyo dad shacab ah.
Masuuliyiinta maamulka Ahlusuna oo aan la xiriirnay si aan wax uga weydiino Dagaalkan lagu eedeyay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaaan arrimahaasi.
Degaanka Xaraale oo dhinaca Waqooyi Galgaguud kaga beegan ayaa maalmahan waxaa laga dareemayay saan saan colaadeed kadib markii dadka degaanka ay kala taageereen Galmudug iyo Ahlusuna.


