Kenya oo soo bandhigtay Sawirada iyo Magacyada Xubno ka tirsan Alshabaab

Dowladda Kena ayaa shaacisay magacyada iyo sawirrada 35 qof oo rag  ah , kuwaas oo ku eedeysan inay ka tirsan  yihiin  Alshabaab.

Xafiiska hay’adda dambi baarista Kenya ayaa ka codsaday bulshada qaybaheeda kala duwan in ay si mutadawacnimo ah u helaan xogo horseedi kara in la soo xiro raggaan la shaaciyay macluumaadkooda.

Kenya ayaa sheegtay eedaysanayaan oo  hubaysan ay  khatar ku yihiim Amniga dalka Kenya , Waa shabad Al-Shabaab u qaabilsan qorshaynta iyo Abaabulka weeraradii argagaxiso ee dhimashada badnaa ee dhacay gobolka Lamu iyo deegaanka Boni,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay hay’adda dambi baarista Kenya.

Sidoo kale Dawlada Kenya ayaa sheegtay in abaalmarin lacageed oo la taaban karo  siin doonta xubin kasta oo dadweynaha ka mid ah oo keena xog lagu kalsoonaan karo oo horseedaysa in la soo xiro Eedeysanayaasha .