Kenya oo si kulul uga hadashay go’aankii Dowladda UK

Kenya's President Uhuru Kenyatta speaks during the state funeral of Kenya's former president Daniel arap Moi, at Nyayo Stadium in the capital Nairobi, Kenya Tuesday, Feb. 11, 2020. Daniel arap Moi, a former schoolteacher who became Kenya's longest-serving president and led the East African nation through years of repression and economic turmoil fueled by runaway corruption, died Tuesday, Feb 4, 2020, aged 95. (AP Photo/John Muchucha)

Dowladda Kenya oo si kulul uga hadashay go’aankii ay Dowladda UK ay dalkeeda ugu dartay liiska waddamada cas ee uu aadka ugu badanyahay cudurka COVID-19.

Go’aan UK ayaa dhigayay in laga bilaabo 9-ka bishan aysan dalka UK u safri karin dadka ka imaanaya waddamo ay Kenya ku jirto.

Kenya oo qaadatay tallaabo ay go’aanka UK uga falcellinayso ugana aargudaneyso ayaa ku dhawaaqday in muwaadiniinta UK iyo sidoo kale dadka rakaabka ah ee soo dhexmara dalka UK ee Kenya imaanaya ay Kenya hadda kadib karantiili doonto ilaa 14 maalmood, kuwaasoo ay iyaga iska bixin doona kharashka hoteellada iyo goobaha lagu karantiili doono.