Kenya oo sheegtay inay ka hortageyso weerrarada Al-Shabaab

Taliye ku xigeenka Ciidamada Kenya ee KDF Albert Kendagor ayaa booqasho ugu tegay Ciidamada difaaca Kenya & kuwa qeybta ka ah AMISOM ee ku sugan keynta Boni ismaamulka Lamu.

Intii lagu guda jiray booqashadiisa afarta maalmood ahayd  ayuu Maj Gen Kendagor wuxuu ku bogaadiyey ciidamada sida ay ugu dadaalayaan waajibaadkooda iyagoo sameynaya roondooyin  si ay uga feejignaadaan weeraro ka dhaca aagaga ay masuulka ka yihiin kuwaas oo ka caawiyay inay  hoos u dhacaan weeraradii dhici jiray.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ciidamada Kenya ay ka go’an tahay tahay la dagaalanka kooxaha argagixisada ah, isla markaana ataasi ay keentay in aysan si fudud ugu dhex socinin kuwa weerarada geesta deegaannada Gobolka Waqooyi Bari.

Mas’uulkan ayaa ciidamada u xaqiijiyay in la sii wadayo  dadaallada lagu xoojinayo waxqabadkooda  ugu weyn ee ah ka hortegida falalka amniga lidiga ku ah gaar ahaan weerarada AL-Shabaab, isaga oo Ciidamada ka dalbaday inay feejigaan muujiyaan.

Warkan kasoo yeeray Ciidamada difaaca dalka Kenya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli todobaadyadii la soo dhaafay ay weeraro isdaba-joog ahaa ka dhacay degaano ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari.